Horseed Vs Elman- Wax Waliba Aad Ugu Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Kullanka

Kooxaha Horseed Iyo Elman ayaa galabta isku dhagan kulan ciyaareed qeyb ka ah horyaalka Somali Premier league.

Cayaartan ayaa galabta ka dhici doonta garoonka Banadir Stadium ee degmada Cabdicasiis waana kullankii 44-aad ee laga dheelayo horyaalka xilli cayaareedkan 2017-18.

XAQIIQDA KULANKA:

Horseed kulankii ugu dambeyay waxey 3-0 ugu soo adkaatay kooxda kubadda cagta Waxool kulan ciyaareed dhacay 14-03-18

Wiilasha Jaalayasha ee Elman Cayaartii ugu dambeysay waxey bar baro 2-2 la soo gashay kooxda Jeenyo cayaar dhacday 16-03-18

Horseed ayaa ku jirta booska 2-aad ee kala sareynta horyaalka iyado soo ciyaartay 8-kulan waxaa laga soo adkaaday 5-kulan sido kale waxey bar baro gashay 3-kulan walina kooxdan lagama badin waxey aruursatay 18-dhibcood.

Kooxda Elman waxey fadhisa kaalinta 5-aad ee horyaalka iyado soo dheeshay 8-kulan waxaa laga soo badiyay 4-kulan sido kale waxey bar baro soo gashay 1-kulan halka ay soo adkaatay 3-kulan, taa oo la micno ah iney leedhahay 10-dhibcood.

Kooxda Horseed ayaa dagaal adag ugu jirta iney hogaanka qabato horyaalka halka ay Elman ay rabto iney ku sii dhawaato booska 4-aad ee horyaalka

Labadan kooxod ayaa galabta wada ciyaare doona kulankoodii ugu dambeyay ee wajiga hore horyaalka Somali Premier League.

Xidiga Khadka dhexe kooxda Elman Ibraahim Alosh ayaa galabta ka hor imaan doona kooxdiise hore ee Horseed isago galabta xiran fanaanada jaalayasha ee Elman.

Is Araga Labadan Kooxod:

07/03/2017 Horseed S.C 1 : 1 Elman FC
25/02/2016 Elman FC 0 : 3 Horseed S.C
14/05/2016 Horseed S.C 2 : 0 Elman FC
19/12/2014 Horseed S.C 2 : 3 Elman FC
19/03/2015 Elman FC 3 : 0 Horseed S.C
24/01/2014 Elman FC 3 : 3 Horseed S.C
28/03/2014 Horseed S.C 1 : 1 Elman FC

OGEYSIIS KULANKA:

Tartanka: Somali Premier League
Kooxaha : Elman Vs Horseed
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada: 3:45

W\Q:cabdifitaax nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com