Horudhac FA Cup: Norwich City vs Man United… (Red Devils oo raadinaysa inay guuldarro la’aanteeda xiriirka ah sii wadato marka ay caawa booqanayso Carrow Road)

 Kooxaha Norwich City iyo Manchester United ayaa caawa isku qaban doona wareegga lixaad ee tartanka FA Cup-ka, iyadoo Red Devils ay doonayso inay sii wado guuldarro la’aanteeda xiriirka ah.

Manchester United ayaa u weecan doonta sidii ay ugu soo bixi lahayd wareegga xiga ee FA Cup-ka, waxaana ay doonayaan inay ku guuleystaan isku daygooda ah inay siddeed dhammaadka tartankan ku garaacaan Norwich City oo ay booqanayaan.

Kooxda Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa Norwich City caawa kula ciyaareysa Carrow Road, waxaana ay indhaha ku hayaan inay kordhiyaan 13-kooda kulan ee ay guuldarro la’aanta yihiin tartammada oo dhan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – FA Cup

Taariikhda: Sabti 27 Juun 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 7:30 fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Carrow Road

Wararka Kooxaha:-

Gooldhaliyaha ugu sarreeya Norwich ee Teemu Pukki ayaa dib loogu wici karaa, halka Marco Stiepermann laga yaabo inuu ciyaaro markii ugu horreysay tan iyo markii loo caddeeyay inuu qabo Covid-19.

Daafacyada Grant Hanley, Christoph Zimmermann iyo Sam Byram ayaa dhammaantood maqnaan doona inta ka dhimman xilli ciyaareedka.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com