Hordhaca: Inter vs Juventus-Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee Derby d’Italia

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa soo dhoweynaysa naadiga  Juventus kulan ka tirsan horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Kooxdii adkaata kulankan Derby d’Italia ayaana hoggaanka u qaban doonta horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan, iyadoo aan xusuusta laga saari karin in Inter aysan xitaa barbaro gali dhammaan lixdii kulan oo ay ciyaartay horyaalka.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Italy – Serie A

Taariikhda: Axad, 06 Okt 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 9:45 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Gianluca Rocchi (Italy)

Garoonka: Giuseppe Meazza

Wararka Kooxaha:-

Romelu Lukaku oo laga tagay kulankii kooxdiisa Inter ay u safartay Barcelona Arbacadii maadaama uu qabay dhaawac muruqa ah ayaa ka hortagi kara caawa naadiga Juve, inkasto macallin Antonio Conte uusan heli doonin adeegga Alexis Sanchez oo ganaaxan.

Danilo D’Ambrosio ayaa awood u leh inuu ka ciyaaro daafaca saddexda Inter ama daafaca garabka midig haddii Conte uu isku shaandhayn ku sameeyo shaxdiisa kaddib kulankii guuldarrada 2-1 ay ka soo gaartay Barcelona.

Dhinaca kale Danilo ayaa weli shaki laga galinayaa kooxda Juventus, laakiin Juan Cuadrado oo si fiican u ciyaaray kulammadii ugu dambeeyay ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo markale garabka midig kulanka caawa.

Alex Sandro oo arrimo shaqsi ahaaneed ku seegay kulankii ugu dambeeyey ee Juventus ay ciyaartay horyaalka, kaasoo dib u soo laabtay kulankii Champions League ee bartamaha todobaadkii hore ayaa ku soo bilaaban kara.

Cristiano Ronaldo iyo Gonzalo Higuain oo labaduba shabaqa soo taabtay kulankii Leverkusen ayaa laga yaabaa inay markale ka celiyaan Paulo Dybala inuu u ciyaaro kooxda.

Aaron Ramsey ayaa la filayaa inuu bedelo Federico Bernardeschi, isla markaana uu ka ciyaaro booska ka dambeeya labada weeraryahan, halka Adrien Rabiot iyo Emre Can ay tartan u geli doonaan inay bedelaan Sami Khedira kaasoo u baahan nasiino