Horyaalka Serie-A oo ka shaqeeynaaya sidii dib loogu soo celin lahaa…

Iyada oo cudurka faafa ee coronavirus ee dalka Talyaanigu uu sii yaraanayo, ayaa waxaa laga soo wariyay madaxweynaha Juventus Andrea Agnelli inuu soo jeediyay qeyb mid ah dib loo furo garoomada kooxaha Serie A.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo dhowr ah, Madaxweynaha Juventus Agnelli ayaa u soo bandhigay qorshe 19-ka milkiile ee kale ee kooxaha ka ciyaara Serie A inay qeyb ahaan dib u furtaan taageerayaashooda bisha July.

Fikraddaan ayaa ah in la oggolaado kaliya 10 boqolkiiba awoodda, iyada oo larajeynaayo illaa 25 boqolkiiba, larajeeynaayo in ay socondoonto kala fogaanshaha dadka aanan waxaana badalidoonin.

Qorshahaan ayaa noqon kara mid hirgala maadaama sidookale Poland, Russia iyo Serbia ay horeyba qorsheynayeen inay u ogolaadaan taageerayaasha qaar bisha June, halka Spain, Bulgaria iyo Portugal ay ka shaqeynayaan sidaa si la mid ah.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com