Hugo Lloris oo Ganaax adag lasaaray ogow sababta

Goolhayaha xulka qaranka France iyo Kooxda Tottenham ee Hugo Lloris ayaa qirtay kiiska dacwad ku socotay toddobaadyadii ugu dambeeyey oo ahaa inuu gudaha magaalada London uu ku kaxeexey gaari isaga oo khamri cabsan.

Goolhaye Lloris ayaa ay ciidamo boolis ah oo roondo ahi ku qabteen magaalada London, waxaanay u kexeeyeen rugta booliska ee Gloucester Place, Marylebone, markii ay taariikhdu ahayd 24 August, xilligaas oo uu kasoo baxay baar uu khamri kusoo cabbay.

Goolhayaha 31 jirkan ayaa la hor geeyey maxakamadda Westminster Magistrate Court, halkaas oo ay ka bilaabantay dhegaysiga dacwadda loo haysto, hase yeeshee kiiska ayaa fududaaday isla markii uu goolhayuhu ku dhowaaqay inuu sameeyey dembiga loo hayso.

Maxkamadda ayaa laga sugayaa inay go’aan ka gaadho kiiskan, isla markaana ay soo saarto xukun ciqaab adag ah, si aanu mar dambe ugu laabnin, isla markaana uu tusaale ugu noqdo dadka kalen maadaama uu yahay qof magac leh.

Sidee lagu qabtay

Goolhaye Lloris ayaa ay ciidamadu qabteen isaga oo watay gaari noociisu yahay Porsche Panamera, waxaanay ishu qabatay markii ay ciidamada iyo shaashada arkeen isaga oo ku socda 15mph  meel ay ahayd inuu ku socdo 30mph, waxaana markiiba ay ciidamadu ogaadeen in dembiga uu ka galay waddada ay sabab u ahayd inuu khamri soo cabbay.

Warku waxa uu intaa ku daray in markii ay ciidamada boolisku joojiyeen ay gaadhi ku dhex-arkeen matag, isla markaana ay ciidamadu kexeeyeen gaadhiga, maadaama aanu Lloris wadi karaynin.

Image result for Hugo Lloris

Image result for Hugo Lloris