Ibrahimovic Oo Sharaxay Sababtii Uu Man Utd Uga Tegay Uuna U Doortay LA Galaxy Oo Uu Ku Biiray

Kooxda kubada cagta LA Galaxy ee wadanka Mareykanka ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay lasoo wareegtay weerar yahankii hore ee Manchester United, Zlatan Ibrahimovic, kaasoo shalay ay Red Devils shaacisay bixitaankiisa.

Xidigaan ayaa wuxuu soo gaba gabeeyay Labo xili ciyaareed oo uu ku qaatay kooxda uu hogaamiyo Jose Mourinho, isagoona la qaaday Koobka FA Cup-ka iyo waliba Europa League, fasal ciyaareedkii lasoo dhaafay ee 2016/17.

Sikastaba, Zlatan Ibrahimovic ayaa wuxuu hadda yahay mid aad ugu farax-san inuu ku biiro horyaalka MLS ee wadanka Mareykanka, halkaasoo uu hadda kasii wadan doono bogga labaad ee mihnadiisa kubadda cagta, gaara ahaan qeybta gaba gabada, sida muuqata.

“Waxaa hadda diyaar u ahay inaan socdo,” ayuu Zlatan Ibrahimovic ku sheegay wareysi xasaasi ah oo uu siiyay LA Times – Isagoona sii daba dhigay: “Ugu horeyn, waxaan doonayaa inaan dheelo Banooni, ma jiraan waxyaabo kale oo harsan.

“Hadafkeyga ugu wayn waa inaan dheelo Banooni, islamarkaana aan ku sameeyo halkaan waxyaabo wanaagsan.

“Waxaan ku farax-sanahay inaan halkaan usoo weeciyo khibradeyda Galaxy, waxay kamid tahay meelaha ay ku qaraxdo kubada cagta, waxaana doonayaa inaan qeyb aan ka noqdo wanaaga halkaan ka jira.

“Kadib markii aan Yurub kusoo qaaday 33-koob, oo aan usoo dheelay kooxaha ugu wanaagsana duunka, oo aan lasoo dheelay ciyaartoyda aduunka ugu wanaagsan, waxaan markaan doonayaa inaan kulamo ku dheelo Mareykanka.

“Waxaan rabaa inaan ugu raaxeeyo dadka kubadayda iyo kulamada aan dhaalayo, inaan guuleysto oo aan dheelo Banooni waa waxa aan ku doortay Galaxy, waana sameyn doonaa,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Ztalan Ibrahimovich.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com