Iker Casillas Oo Shuruud Adag Ku Xiray Inuu Dib U Xirto Maaliyadda Real Madrid Iyo Xulka Spain

Goolhaye heerka caalami ee Iker Casillas ayaa shaaciyay inuu si wayn uso dhaweynay dib uxerashadda maaliyadda kooxda kubadda cagta Real Madrid ee dalka Spain.

Laacibkaan udhashay La Rojo wuxuu si cad u sheegay in sidoo kale uu  jeclaan lahaa in dib umetalo wadankiisa, taasi oo ay haatan u muuqato mid uu heli karo.

Balse, Casillas wuxuu shuruud ka dhigay in maamulka Los Blancos iyo wadankiisa Hooyo ay isaga uyeeraan si uu ugu dheelo maadaama uu isagu yahay mid qaarow noqday.

“Hadii uu wadankeyga ii yeero waan udheelayaan,” ayuu u sheegay Movistar, markii la waydiiyay su’aal la xiriirta arrintaasi xili uu wareysi bixinayay.

“Dabcan, si lamid ah, hadii ay ii yeeraan,” ayuu mar kale ku war-celiyay Casillas, markii la su’aalay hadii uu dib ugu soo laaban karo Los Blancos.

Sikastaba, Iker Casillas oo kamid ah shabaq-ilaaliyaasha ugu wanaagsan waqti xaadirkaan caalamka, ayaa haatan ka tirsan naadiga FC Porto ee wadanka Portugal.