Inay 400m Ku Raadinayaan Neymar, Bandhiga Benzema & Zidane Oo Arimo Xasaasi Ah Ka Hadlay

Real Madrid ayaa waxay si fiican ay uga soo talaabsatay Paris Saint-Germain, laakiin Karim Benzema ma uusan sameyn wixii ay ka filayeen dad badan labadii lugood oo ay ka hortageen PSG, ee Champions League.

Laakiin, Zidane wali wuxuu u arkaa laacibkaan mid shaqadiisa sida ay tahay uga soo baxa, isagoona sidii hore iyo si kasii fiican udaafacay wiilkaan ay dhalasho ahaan kasoo wada jeedaan wadanka Faransiiska.

“Aniga kama hadlo hadii [dhaleceynta Benzema] ay tahay mid cadaalad ah ama in kale,” ayuu tilmaamay tababaraha hor kulanka ay Beri la balansan yihiin kooxda Eibar, ciyaar horyaalka La Liga k tirsan.

“Waxaan xiiseynayaa shaqada uu qabanayo, waxaana jeclahay inaan dhaliyo goolal, maxaa yeelay wuxuu helayaa fursado, laakin wax uu sameeyay, ayaa ah kuwa uwanaagsan kooxda iyo isaga

“Ma ahan inaan qof walba ku qanciyo, waxaa jira dad yaqaan kubada cagta, waana ay ogyihiin in Karim uu aad u fiican yahay

“Waxaa mar walba jira ciyaartoy dadka jecel ama aan jeclayn, waxaa jira dad jecel Isco iyo dadka aan jeclayn, taasina waxay saameyn ku yeelaneysaa aniga iyo aniga

“Karim wuxuu joogaa sagaal sano, ma ahan inaan difaacayo isaga, waa ciyaaryahan fiican, waan jeclahay isaga

“Rikoorkiisa ayaa wuxuu isaga yahay ka hadlaya, waana lambarka 9-aad ee Real Madrid, waxaana kaliya diirada saareynaa isaga sababtoo ah ma uusan dhalin waqtiyadii hore

“Waxa ay ku dhaleeceynayaan waa inuusan gool dhalin laakiin wuxuu usameeyay waxyaabo kale kooxda, goolasha waa ay imaanayaa

Neymar ayaa ka maqnaa lugta labaad garoonka Parc des Princes kulankii UCL, waxaana uu aaminsan yahay in Los Blancos ay diyaar u tahay inay 400 milyan oo euros ku dalbato ciyaaryahanka reer Brazil, laakiin Zidane ayaa ka hadlay

“Ma doonayo inaan ka hadlo xidig aan aheyn midkeyga” ayuu hadalkiisa kusii daray, macalinkaan reer France

“PSG ayaa isaga kasoo bixisay 222 Milyan oo Yuuroo – Markii ay aniga Real Madrid igu soo iibsatay 72 Milyan oo Yuuroo ama ma garan karo inta ay ahyad, waxay ila muuqatay inaga wax waali ah

“Tobban sano kadib waa 222 Milyan oo Yuuroo – Isla Tobban sano gudaheeda, waxaan gaari karnaa 400 Milyan ama ka sii badan,” ayuu si daba dhigay

Ugu dambeyn, macalinka Madrid oo si kooban uga hadlay ciyaarta ay Eibar la dheelayaan ayaa wuxuu sheegay in kulan walba oo La Liga uu yahay mid dhibaatadiisa wata, inkastoo uu rajeeyay inay guusha ay helaan.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com