Inay Khibrada Ku Yareed Lugtii Hore, Rajadooda Beri & Alves Oo Codsi U Diray Jamaatiirta PSG

Kadib guul daradii 3-1 ahayd ee PSG kasoo gaartay Real Madrid lugtii hore, wareega 16-ka Champions League ayaa Dani Alves wuxuu qiray in kooxdiisa ay ahayd mid aanan lahayn wax Khibrad ah ama ay ku yareed.

Si ay ugu soo baxaan wareega kulanka Talaada waxay ubaahan yihiin lugta labaad soo laabasho, waxaana daafacaan reer Brazil, uu ku nuux-nuux saday inay ubaahan yihiin markaas nasiino la’aan inta uu kulanka socdo.

“Waxaan ahayn kuwa aan wax xoogaa khibrad ah aan lahayn [Lugtii koowaad] maxaa yeelay waxaan Koontaroolnay kulanka,” ayuu Alves usheegay Website-ka rasmiga ah ee kooxdiisa PSG.

“Waxaan dheelnay 80 daqiiqo oo cajiib ah, taasoo aan kala horjeednay kooxdii naga soo horjeeday heer isku mid ah, laakiin 10 iyo wax ka badan ayaan ku luminay ciyaarta oo dhan.

“Si aan helno inaan wax badan oo tartanka joogno waxaan haysanaa 95 daqiiqo oo sax ah [Kulanka lugta labaa],” ayuu hadalkiisa ku daray.

Geesta kale, Dani Alvaes oo sii hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ugu baaqay taageerayaasha kooxdiisa inay taageero umuujiyaan ciyaartoyda, inkastoo uu qiray in aysan wax badan ku filnaan doonin midaas.

“Cilimo cajiib ah, waxay noqon doontaa mid aanan nagu filneyn, waa hadii aanan shaqadeena ku qaban gudaha garoonka,” ayuu raaciyay.

“Inkastoo ay taasi tahay mid lama maarmaan ah inaan helno, waana mid aad muhiim noogu ah,” ayuu ku celceliyay.

“Taageeraasha waxay nasiinayaan awood, waxaana isku deyi doonaa inaan ubadino iyaga, waa ay naga dambeeyaa, Inaga waxaan sidaas si lamid ah aan metalnaa iyaga,” ayuu sii daba dhigay.

“Waxaan muujin doonaa in garoonkeen aan ku nahay kuwa aan lagu garaaci karin,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, daafacii hore ee Barcelona iyo Juventus, balse hada PSG, maaliyadeeda daafacaya.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com