“Inay Real Naga Soo Reebto CL Midnimo La’aanteena Ayaa Sabab U Ah” – Alves Oo Runta Sheegay

Kadib markii Paris Saint-Germain, laga soo reebay tartanka Champions League, ayaa wuxuu Dani Alves, uu soo bandhigay waxa uu umalaynayo waxa kooxdiisa ka qaldanaa labadii lugood oo ay Real Madrid ku wajaheen wareega 16-ka

Xidigaan, kaasoo daafaca bidix ka dheela, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in sababtii ay Madrid uga adkaatay ay ahayd in aysan uwada shaqeyn ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin si wadajirnimo ah.

“Inaan kasoo harno [Champions League] waxay ku dhacday in aanan hal Gunti ku wada jirin,” ayuu ku sheegay wareysi uu siiyay Globo.

“Waxaan horeyba ugu noolaa kooxda Brazil, halkaas oo aan jirin midnimo,” ayuu hadalkiisa kusii daray, daafacii hore ee Barcelona.

“PSG waxa ay ku jirtaa xaaladda kala guurka mana ka jirin wax midnimo ah ama waa koox dareen lahayn inay kusoo laaban karin garoonka waqtiga dhimashada,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Dani Alves.

Sikastaba ha ahaatee, inkastoo uu Dani Alves sheegay inuu la kulmi la’yahay koox ka mid ah xulka qaranka kubada cagta Brazil, hadana waxa uu ku adkeysanayaa inaysan taasi aanan hada la heli karin.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com