Inay Si Xun Ula Dhaqmeen, Hadii Ay Aargoosi Ahayd Iyo Sheekadii Ka Dambeysa Inay Barca Ka Dulqaado Roma Saxiixa Malcom

Leonardo Cornacini, oo ah wakiilka xidiga cusub ee Barcelona, wiilka lagu magacaabo Malcom ayaa daaha ka rogay sababta dhabta ah ee ka dambeyso in Bluagrana ay saxiixa wiilkaan reer Brazil ku garaaco naadiga AS Roma ee dalka Talyaaniga.

Bishii Julaayo ee sanadkaan ayay ahayd markii ciyaaryahan Malcom ay Barcelona lasoo wareegtay markaasoo ay kasoo bixisay aduun dhan 45 milyan oo Yuuroo oo ay ugala soo wareegeen kooxda Bordeaux ee wadanka Talyaaniga.

Cornacini, oo wareysi siiyay Jariiradda Tuttomercato ayaa wuxuu sheegay in sababta ay ugu wareegsadeen Barca ay ahayd markii naadiga Roma ay soo dhex-dhelisay heshiiskooda mid kale, oo ay ku ugaarsanayeen laacib kale, taasoo uu ku sifeeyay dhaqan xun.

“Xaqiiqadu waxay tahay midaas waxaana go’aan sanay in aanan aadin Barcelona, maxaa yeelay waxay noola dhaqmeen si xun,” ayuu yiri.

“Waxaan ka shaqaynayay heshiiska (Daniel) Fuzato, kaasoo ah macaamiil kale, laakiin Roma waxay ku dhawaatay Dulaal kale, iyada oo qiimaynayesa inay isaga hor-keento, aan soo gaabiyo, waa Aargoosi.

“Waan ka xumahay inaan sidaas dhoho, laakiin taasi waa waxay ahayd. Roma waxay noola dhaqantay si xun, Tobban maalmood ka hor heshiiska Fuzato, waxaan ula dhaqanay sidaas si kasoo horjeeda.

“Waxaan siinay waxay mudan yihiin inaga, waxaana go’aan sanay in Malcom aan gayno meesha uguug wanaagsan, ma ahan Giallorossi.

“Mar kale, heshiiska Malcom, [Agaasimaha cayaaraha AS Roma] Monchi wuxuu sameeyay mid lamid ah taasi, sikastaba, Malcom wuxuu ku farax-san yahay inuu u wareego Barcelona,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.