Iniesta Oo Muxuu Ka Yiri Inuu Ku Biirayo Koox Cadow Ku Ah Barca & In Koobka Aduunka Uu Yahay Kiisii Ugu Dambeeyay

Kabtanka kooxda kubada cagta Barcelona ee Andres Iniesta ayaa wuxuux xaqiijiyay inay macquul tahay in koobka aduunka 2018 uu noqdo kiisii ugu dambeeyay ee uu kasoo qeyb galo, inkastoo uu hoosta ka xariiqay in waayihiisa Barca uusan wali go’aansan, Laacibkaan oo wadanka Spain, udhashay ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inuu diyaar uyahay in uusan ku biirin kooxda la tartami karta ama cadow ku ah kooxdiisa, islamarkaana uu diyaar uyahay inuu aado meel uusan uga hor imaaneen kooxdiisa.

Iniesta ayaa waxaa hadda si weyn loo hadalhayaa inuu ku biiri doono koox ka dhisan horyaalka Shiinaha, inkastoo aan la ogayn kooxda ay noqon doonto, waxaana go’aanka uu Barcelona uga tagayo uu noqon doonaa mid kamid ah kuwii ugu adkaa ee xirfadiisa soo mara.

“Hadii aan ka tago Barcelona, macnaheeda waa in aanan ahayn mid 100% ciyaaryahan ahaan ah, shaqsi ahaan, laakiin hadii ay taasi jirto waxaan ka dhex-arki doonaa labada sano ee soo socota shaxda koowaad ee Barca,” ayuu Iniesta usheegay Idaacadda Cadena Ser.

“Isbuucyo ayaa ka harsan inaan qaato go’aan culus, laakiin wali ma aanan gaarin wali wax go’aamo ah, kuwaasoo aan hadda sheegi karo – Waana go’aankii iigu muhiimsanaa ee soo mara xirfadeyda oo dhan,” ayuu hadalkiisa kusii daray

Mar uu ka hadlay hadii koobka aduunka 2018 uu yahay kiisii ugu dambeeyay ayaa yiri: “Waa macquul inuu noqdo koobka aduunka tartankeygii iigu dambeeyay oo aan udheelo qarankeyga – Ma doonayo inaan aagaas sii joogo, maxaa yeelay waxa aan aniga ahay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com