Inter iyo PSG Oo isku deyi doona inay dhameystiraan heshiiska Icardi maalmaha soo socda

Inter iyo PSG Oo isku deyi doona inay dhameystiraan heshiiska Icardi 60 milyan euro maalmaha soo socda.

Warar soo baxayaa ayaa sheegaya in weeraryahanka Inter Mauro Icardi uu ogolaaday inuu u wareego Paris Saint-Germain lacag dhan 60 milyan oo euro oo ay kujirto gunooyin.

Waxa uu xilli ciyaareed ku qaatay Paris heshiis amaah ah oo 13 milyan euro oo ay ku iibsan karaan 70 milyan euro oo dheeri ah, laakiin PSG ayaa weydiisatay in laga wadahadlo arintaas.

Sida laga soo xigtay Sky Sport Italia iyo Le Parisien, heshiiska ayaa si rasmi ah loo sameedoonaa, iyadoo horumar la taaban karo la sameeyay 24kii saacadood ee la soo dhaafay.

Sidoo kale waxaa al sheegayaa dalabka in uu kabilaabandoono 60m Taasi waxay noqon kartaa wadarta guud, maxaa yeelay wargeysyada Talyaanigu waxay tilmaameen € 50m oo lagu daray € 10m oo dheeri ah iyo gunooyin kale.

Icardi ayaa dhaliyay 20 gool isla markaana 4 kale caawiyay 31 kulan oo tartamada oo dhan ah oo uu u saftay kooxda heysata Ligue 1.

La Gazzetta dello Sport ayaa sidoo kale tilmaamtay in xaaskiisa Icardi iyo wakiilkiisa Wanda Nara ay ‘jeclaan jireen’ ku noolaanshahay magaalada Paris taas oo soo dadajinkarta in uu u wareego PSG.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com