Inter Milan ayaa Masuuliyiin U Dirtay Weeraryahanka Romelu Lukaku Si Ay U Dhamaystiraan

Wakiilda kooxda Inter Milan ayaa todobaadkan u duuli doona Manchester United si ay u dhamaystiraan saxiixa Weeraryahanka Man United ee Romelu Lukaku sida ay sheegayaan wararka.

Lukaku ayaa doonaya in uu isaga tago Man United isaga oo haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Inter Milan laakiin United ayaa dalbanaysa lacag dhan 80 Milyan oo euro.

Shabakada Sky Sport ayaa sheegaysa in ay Inter Milan masuuliyiin u diri doonta Manchester si ay Man United ugala hadlaan saxiixa weeraryahanka heshiiskana wakhti hore u dhamaystiraan ka hor inta ayna Juventus ka hor qaadin.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa ku biiray tababarka kooxdiisa inkasta oo uu si aad ah u doonayo in uu isaga tago kooxda waliba sida ugu deg-dega badan si uu ugu biiro Inter Milan.

Dhanka kale kooxda Inter Milan ayaa kooxo u raadinaysa xiddigaha Mauro Icardi & Radja Nainggolan kuwaas oo ay doonayaan in ay lacagtooda ugu dhaqaaqaan saxiixa Romelu Lukaku.

Romelu Lukaku ayaa doonaya in uu ku biiro Inter Milan si uu xilli ciyaareedka dambe uga qayb galo tartanka champions League xilli ciyaareedka cusub