Inter Milan oo Doonayso Romelu Lukaku Miiska U Saartay lacag waali ah , Man United Yuu Faa’iido U Yahay

Kooxda Inter Milan ayaa wadahadalo la furtay  Man United iyaga oo ka doonaya  xiddiga  Romelu Lukaku inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga

Wakiilka Romelu Lukaku ayaa dhankiisa wadahadalo kula jira Inter Milan Si uu heshiiska shaqsiga ah haatanba ula gaaro kooxda Inter Milan si deg-deg ahna loo dhamaystiro heshiiska  Lukaku  .

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in  Inter Milan dalabkii ugu horeeyay miiska u saartay Man United kaas oo dhan 30 milyan oo euro laakiin Ay  Man united si deg-deg ah u diiday.

Laakiin Inter Milan ayaa haatan diyaar la ah dalab cusub oo dhan 30 milyan oo euro iyo waliba xiddiga garabka ka ciyaara ee Ivan Perisic oo ay Man United si aad ah u doonaysay adeegiisa wakhtigii jose Mourinho.

Macalin  Ole Gunnar Solskjaer ayaa qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe ka saaray weeraryahanka Romelu Lukaku isaga oo isku diyaarinaya in u badalkiisa u dhaqaaqo.

Dalabka  cusub ee ay Inter Milan diyaarka la tahay ayaa faa,iido weyn u ah marka loo eego in ay Man United raadinayso xiddig garabka ka ciyaara inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Image result for lukaku inter milan