Inter Milan Oo Ku Guulaystay Saxiixa Xiddiga Radja Nainggolan

kooxda Inter Milan ayaa dhigeeda Roma kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Radja Nainggolan kaas oo ay ka bixisay lacag dhan 29 milyan oo euro iyo waliba xiddiga Nicolò Zaniolo.

Wargeyska Tuttosport ayaa sheegaya in wadahadaladu haatan gaareen meel dhamaad ah si Rasmi ahna loo dhamaystiri doono heshiiska 1 bisha July.

Kooxda Inter Milan ayaa bixin doonta lacag dhan 29 milyan oo euro iyo waliba xiddiga Zaniolo kaas oo noqon doona 19 jir bisha dambe kana mid ah xiddigihii ugu fiicnaa da’yarka Naadidga inter milan ee ku guulaystay horyaalka Serie A-da da’yarka.

Xiddiga Zaniolo ayaa ku lug lahaa 14 gool dhaliyay 10 gool-na caawiye ka noqday 34 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Nainggolan ayaa albaabka u furay in uu la midoobo tababarihiisii hore ee Roma ee Luciano Spalletti kaas oo Inter Milan u soo saaray champions League xilli cayaareedka.

Waxa la sheegayaa in uu xiddiga dalka Belguim ogolaaday mushahar uu sanadkii ku qaadan doono 4.5 milyan euro inta uu joogo kooxda Inter.