Inter Milan oo Waqti Dambe wadnaha jaray Kooxda Ac Milan

Kooxda Inter Milan ayaa waqtigii dhimashada guul ka gaartay kooxda  AC Milan oo ay kulan xiiso leh oo ka tirsan horyaalka Serie A ay ku yeesheen garoonka San Siro
kooxda inter milan  waxay qeybtii koowaad ee ciyaarta sameysay  dhowr fursadood inkastoo hoggaanka qabanin, waxaana laga diiday labada kooxood min gool ay dhaliyeen oo garsoorku uu sheegay inuu garab dhaaf ahaa.Qeybtii labaad ee cayaarta markii dib la isugu soo laabtay  kooxda Inter Milan  macalinkeeda ee Luciano Spalletti ayaa garoonka ku soo kordhiyay cayaaryahan qadka dhaxe ee Borja Valero, Candareva iyo Keita Balde.

Sidoo  kale kooxda AC Milan ayaa garoonka bedel ku soo geliday qeybtii labaad weeraryahanka Patrick Cutrone   xiddiga   Bakayoko.

Daqiiqadihii lagu kordhiyey cayaarta ee waqti dambe ayey kooxda Inter Milan la timid goolka ay guusha ku qaadatay waxaana u dhaliyey Kabtankeeda Mauro Icardi, markii uu madax ka dhaliyay kaddib karoos uu soo qaaday xiddiga garabka ee Candareva Kooxda Inter Milan ayaa sidaa  guul kaga gaartay AC Milan.

Image result for milan vs inter milan

Image result for milan vs inter milan

Image result for milan vs inter milan
Image result for milan vs inter milan
Image result for milan vs inter milan