Inuu Kibir Ka Qaado Amaanta Badan, Hadii Fariisanayo Kubada Kadib Koobka Aduunka & Leo Oo Afka Furtay

Ciyaaryahanka kooxda kubada cagta Barcelona, wiilka lagu magacaabo Lionel Messi ayaa wuxuu sheegayaa in Kabir uu ka qaado marka uu arko dadka uu isaga amaanaya, gaara ahaan inay urajeynayaa wax wanaagsan koobka aduunka ee sanadkaan 2018.

Laacibkaan ayaa wuxuu kaloo ka hadlay inuu kubada cagta isaga bixi doono hadii koobka aduunka ee 2018 uu ku guuleysan waayo ama xitaa uu natiijo fiican kasoo hoyn waayo, isagoona sheekooyinkaas hoos udhigay.

“Waxaa arkaa dad badan, kuwaasoo aniga iirajeynaya inaan wax wanaagsan ka sameeyo koobka aduunka 2018, waxayna igo’aamiyeen inaan ku guuleysan doono,” ayuu Messi usheegay Barnaamijka La Cornisa, ka hor kulanka Talyaaniga.

“Runta ayaa waxay tahay in taasi ay aniga sare ii qaadeyso, waxayan isiineysaa inaan ku dhiirado inaan noqon karno kuwa ku guuleysto koobka,” ayuu hadalkiisa kusii daray kabtanka xulka qaranka kubada cagta Argentina iyo Barcelona.

Mar uu ka hadlayey hadii uu ka fariisan doono kubada cagta ama hadii uu yahay koobkaana aduunka kiisii ugu dambeeyay ee uu ka qeyb qaato ayaa wuxuu ku jawaabay: “Waa xaqiiqo inaan imaanay Final-ka sadex sano oo waan wax natiijo ah kasoo hoyn.

“Waxaa jira go’aamo waa weyn, kuwaasoo ay qaataan ciyaaroyda qaarkood, waxaana kamid ah inay isaga baxaan kubada cagta, laakiin ma hubo waxayna ku xirnaan doontaa natiijadda xiligaas soo baxda,” ayuu sii daba dhigay Leo Messi.

“Marka waa inaad weydiisaa kooxda inteeda kale hadii ay ka fariisanayaa kubadda cagta hadii aan ku guuleysan wayno koobka aduunka, laakiin aniga ma arko fursad kale oo nasoo mari doonta maxaa yeelay saddex Final ayaan khasaarnay,” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn, Lionel Messi ayaa waxaa uu ka hadlay warar ay sheegayeen warbaahinada qaar, kuwaasoo sheegaya inuu jiro khilaaf udhaxeeya ciyaartoyda qarankiisa, wuxuuna sheekooyinkaas ku tilmaamay kuwa waxba kama jiraan ah.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com