Inuu Leo Cadow U Arko, Kulanka Barca Ee CL, Cida Ku Qancisay Aadista Chelsea & Fabregas Oo Afka Furtay

Ciyaaryahanka khadka dhexe uga dheela Chelsea ee Cesc Fabregas, ayaa wuxuu qirtay in mar walba oo uu ka hor-imaanayo Lionel Messi uu arko midka isaga kasoo horjeeda oo doonaya inuu ka badiyo, sidaas darteeda uu cadow ku yahay.

Labadaan xidig ayaa isaga hor imaan doonaa isbuucaan kulan ka tirsan lugta labaad ee wareega 16-ka tartanka Champions League, iyadoona lugtii koowaad ay kusoo kala baxeen labadda naadi Bareejo 1-1, taasoo lugta labaad adeeg ka dhigeysa.

Sikastaba, Fabregas oo horey Barca ugu soo dheelay wuxuu rajeynayaa inuu muuqaal ciyaareed fiican uu kulankaan ku yeesho, laakiin wuxuu ka dhigayaa halista uga imaan karto Camp Nou, maadaama uu sheegayo inuu yahay garoon ka duwan kuwa kale.

“Mar walba inaan ka hor yimaado ciyaartoyda saaxiibadeyda ah sida Messi ama Pique, waxay ii tahay dhiiro gelin,” ayuu ku sheegay Fabregas wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay Majalada MARCA, ee wadanka Spain.

“Messi, wuxuu yahay mid aan cadow u arko, maxaa yeelay wuxuu doonayaa inuu isaga guuleysto, waana mid xifaaltan adag uu na dhex-mari doono,” ayuu ciyaaryahankii hore ee kooxda kubada Arsenal hadalkiisa ku daray.

“Kulanka Barcelona, waa kulan, laakiin inaan ku dheelayno Camp Nou, ayaa ah dhibaato weyn, maxaa yeelay waa garoon weyn, laakiin waxaan haysanaa 90 daqiiqo, taasoo ka badan marka Nou Camp ka joogo garoomada kale,” ayuu sii raaciyey.

“Mourinho ayaa wuxuu igu qanciyay inaan yimaado Chelsea, waxaana hada dareemayaa wanaag badan, waxaana jeclaan lahaa inaan halkaan aan sii joogo,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, ciyaaryahankaan wadanka Spain udhashay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com