Inuu Rabo Zidane Uu Ku Wajaho Sida Ugu Fiican, Xaalka Di Maria & Unai Emery Oo Real U Goodiyay

Ka hor kulanka xiisaha leh ee Real Madrid, kaasoo lugta labaad ay ku wajahayso Paris Saint-Germain, ayaa macalin Una Emery wuxuu soo jeediyay inuu rabo inuu Real ay soo bandhigto wax walba oo ay fiicnaanteeda ah.

Los Blancos, ayaa waxay kulankaan dib uheshay Luka Modric iyo Toni Kroos, waxaana macalinkaan reer Spain, uu xitaa doonayaa in Zidane, uu ciyaarta kusoo bilaabo labadaan wiil.

“Waxaan rabaa inaan Real Madrid kula dheelo ciyaartoydeeda ugu fiican,” ayuu wariyaasha usheegay ka hor ciyaarta, isagoo shirkiisa Jaraa’id fadhiya.

“Dhamaan taageerayaasha PSG wuxuu uyahay waqti xaadirkaan mid qaas ah, kulankaan waa mid kamid ah kuwa ugu muhiimsan xili ciyaareedkan.

“Waxaan haysanaa fursado weyn oo aan horey ugu sii socon karno,” ayuu hadalkiisa kusii daray hogaamiyaha Mur-qaweynta Faransiiska.

Geesta kale, Emery ayaa waxaa la weydiiyay xaalka Angel Fabio Di Maria, iyo midka uu kusoo bilaabi doono khadka dhexe Thiago Motta ama Lass Diarra.

“Di Maria waa mid diyaar ah, wuxuuna yaqaanaa Champions League iyo waliba dhamaan wax walba,” ayuu raaciyay.

“Morata iyo Lass sidoo kale waxay diyaar uyihiin inay dheelaan, waxayna leeyihiin khibrad badan, aniga ahaan waa ay iifudahay inaan kala dooqdo iyaga,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, tababaraha PSG.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com