Inuu Reer Baadiye Ahaa, Inuu Baabuurta Dhaqi Jiray, Inay Qoyskiisa Soo Eryeen & Taariikhda Goolhayihii Rigoorada Ka Qabtay CR7

Alireza Beiranvand, wuxuu magaciisa ka gaday caalamka kadib markii uu Gool ku laad ka beeniyay laacibka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo, kulan ka tirsanaa Koobka Aduunka oo ay Iran iyo Portugal isku arkeen.

Ciyaartaan oo kusoo dhamaatay 2-2 ayaa waxaa gabi ahaanba tartanka isaga haray xulka Iran, laakiin Alireza Beiranvand, wuxuu qabsaday magaciisa markii lasoo bandhigay sheeko nolaleedkiisa.

Wuxuu ku dhashay tuuladda Sarab-e Yas oo ka tirsan wadanka Iran, sanadku markuu ahaa 1992-dii, waana 25-sano jir waqti xaadirkaan.

Beiranvand, ayaa wuxuu kusoo koray nolal reer baadinimo ah ka hor inta uusan usoo wareegin caasimada Tehran ee dalka Iiran, halkaasoo uu kubada cagta ugu soo biiray.

Asalkiisii hore wuxuu ahaa Gooldhaliye ama Weerar yahan ka hor inta aysan ku qasbin dhaawac soo gaarey inuu bedasho booskiisa, oo uusan noqon Shabaq-illaaliye, taasoo qoyskiisa aysan ku raacin.

“Aabahey ma uusan jeclayn kuabdda cagta, mar walba wuxuu ii weydiin jiray waxa ay tahay shaqadeyda,” ayuu usheegay Majalada Guardian.

“Wuxuu xitaa tuuri jiray dharkeyga iyo gacmo-gashigeyga, waxaa xitaa marar ku dheelay iyadoo aysan iigu jirin Gacmo gashi.

Tani waxay ku qasabtay xidigaan in laga soo racdeeyo gurigooda, islamarkaana uu Bas usoo qaatay Magaalada Tehran, isagoo waliba ah mid wiil dhalinyaro ah oo aan sidaas u qaangaarin.

Marka hore wuxuu ku dhibtooday inuu helo guri uu sexdo, waxaana uwehlisay inuu ka shaqaynayey howlo badan.

Shaqooyinka uu soo qabtay waxaa kamid ah, inuu dhaqi jiray baabuurta, inuu ka shaqeynayay Tukaan Pizzaha lagu iibiyo, iyo inuu wadooyinka nadiifin jiray.

Inkasta oo nolashaan adag ay soo martay marnaba ma uusan ka quusan hadafkiisa, isagoona ugu dambeyntii helay koox maxali ah, wuxuuna kulankiisii ugu horeysay oo caalami ah uu udheelay naadiga Naft Tehran.

Xiligaas wuxuu ahaa 19-sano jir, waxaana uu si fiican usoo shaax-baxay sanadkii 2014-tii, markaasoo uu Koobka Aduunka kasoo muuqday.

Beiranvand wuxuu hadda udheelaa naadiga Persepolis F.C oo uu ka yahay dookha koowaad, taasoo ka caawisay inuu Iiran usoo raaco koobka aduunka, isagoona is-reereebkii shaqo fiican soo qabtay.

Laakiin, waxay ka dhaceen Tareenkii markii ay la galeen bareejo 1-1 dhigooda Portugal kulankii shalay, inkasta oo wiilasha Iran ay si fiican usoo dadaaleen kulamadii ugu dambeeyay.

Sikastaba, waxaan dib u arki doonaa Goolhaye Alireza Beiranvand sanadka 2022-ka markaasoo la qaban doono Koobka Aduunka 2018, kaasoo lagu qaban doono wadanka Qadar, ee Qaaradda Aasiya.