Isco oo mustaqbalkiisa go’aan ka gaarray iyo Real Madrid

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Isco ayaa sheegay inuu sii joogi doono naadigiisa.

laacibka dalka Spain ayaa waxa uu ahaa mid maalmihii ugu dambeeyay si aad ah loola xiriiriyay kooxaha ka dhisan england iyo Juventus .

Hase ahaatee, waxa uu gaashaanka u daruuray dhammaan , isagoo taas beddelkeeda caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu booskiisa u dagaallamo.

xiddiha 26-sano jirka ayaa hoosta ka xarriiqay inuu aad ugu faraxsanyahay u cayaarista naadiga Real Madrid.

kama fikirayo ka tegista Real Madrid, suuqa January, maadaama aan ku faraxsanahay halkan ayuu Isco u sheegay wargeyska Deportes Cuatro.
Hadafkeygu waa inaan sii wadaa ku guuleysiga koobabka badan ee aan la qaybsanayo Real Madrid .

Waxaan u dagaallami doonaa booskeyg ayuu yiri xiddiggii hore ee kooxda Malaga.

Arrintan ayaa noqoneysa mid niyad jebisa kooxaha Manchester City, iyo Juventus, kuwaasoo si aad ah loola xiriiriyay xiddiga isco.