Iska Ilow Real Iyo Juve Khabiir Sheegay In Paul Pogba Uu Doonayo Qandaraas Kordhin Haddii Sharuudaan La Buuxiyo

Paul Pogba baahi weyn uma qabo inuu ka tago Manchester United, waxaana laga yaabaa inuu saxiixo qandaraas cusub xagaagan, sida uu sheegay khabiirka kubada cagta Yurub Gabriele Marcotti.

Pogba ayaa sheegay horaantii xagaagan inuu u furan yahay tartan cusub oo ka fog Manchester United.

Wakiilkiisa Mino Raiola ayaa isbuucii hore xaqiijiyay inay ku jiraan wadadii ay xiddiga reer France uga kaxeyn lahaayeen Old Trafford.

Si kastaba, Marcotti ayaa aaminsan in Mino Raiola uu ka shaqeynayo uun sidii uu qandaraas cusub u heli lahaa xiddigiisa Paul Pogba.

Qandaraaska haatan ee xiddiga khadka dhexe waxa uu dhacayaa xagaaga 2021, inkastoo sannad dheeri ah uu ku darsan karo.

Laakiin Marcotti ayaa sheegay in Paul Pogba uu doonayo inuu ogaado qorshaha mustaqbalka kooxda ka hor inta uusan qalinka ku duugin heshiis cusub.

“Mino Raiola waxa uu sameynayaa waxa uu Mino sameeyo” ayuu Marcotti u sheegay ESPN FC.

“Dadku waxay u maleeyaan in wakiiladu ay lacag helaan kaliya marka uu ciyaaryahan koox kale u wareego.

“Waxay sidoo kale lacag helaan marka ay ciyaartoyda kordhiyaan qandaraaskooda.

“Paul Pogba waxa uu joogaa waqti uu u baahan yahay inuu kordhiyo qandaraaskiisa, United iyadana waa ay dooneysaa inay u kordhiso qandaraaskiisa.

“Laakiin su’aasha kaliya kama taagna haddii ay dhaqaale ahaan qancin karaa oo aan qiyaasayo inay Man United diyaar u tahay, laakiin waxa uu sidoo kale doonayaa inuu ogaado sida uu noqon doono mustaqbalka kooxda.

“Inay qandaraas cusub ka saxiixaan Marcus Rashford, inay go’aansadaan waxa ay ku sameynayaan David de Gea.

“Saxiixa Aaron Wan-Bissaka waa mid weyn, yaa kaloo imaanaya? Maxay kaloo sameynayaan?

“Marka uu Mino Raiola hadalka badiyo sida uu sameynayay isbuucii la soo dhaafay waxaad ogaaneysaa inay wax uun jiraan sababtoo ah waqtiga intiisa badan ma hadlo.

“Dabcan haddii Real Madrid ay albaabka soo garaacdo, islamarkaana uu jiri heshiis fiican waxaan u maleynayaa in Raiola iyo Pogba ay ka fiirsan doonaan.

“Laakiin waqti xaadirkaan waxaan qabaa inay arintaan u sameynayaan sidii ay ku heli lahaayeen qandaraas cusub.

“Ma ahan inuu Pogba si weyn u doonayo inuu baxo, Pogba waxa uu doonayaa inuu helo xal hore loogu sii socdo.

“Haddii ay ahaan laheyd qandaraas cusub iyo heelanaan ka timaada kooxda ama haddii aan ahaan laheyd dalab ka yimaada koox kale.

“Ma ahan shaqsi baahi weyn u qaba inuu ka tago Old Trafford sida dadka qaarkiis ay soo jeedinayaan.”