Isku aadka siddeed dhammaadka Koobka Qarammada Qaarada Afrika oo dhamaystirmay… (Goorma ayaase la ciyaari doonaa kulamada ugu horreeya?

Waxaa xalay la soo gabagabeeyey wareegga 16-ka koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, iyadoo ay soo xireen xulalka Tunisia iyo Ghana.

Xulka qaranka Tunisa ayaa iska xaadiriyey wareegga Quarter-finalka koobka qarammada Afrika kaddib markii ay xalay reebeen Ghana.

Waxaa hadda soo dhammaystirmay siddeeda xul ee isugu soo haray tartanka AFCON 2019, iyadoo la shaaciyey sida ay isugu aadeen iyo xilliga ay ciyaari doonaan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg sida ay xulalku isugu aadeen siddeed dhammaadka koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 & Wakhtiga la ciyaari doono.

Berri oo ay taariikhdu tahay 10 bisha July waxaa ciyaari doona afarta xul ee kala ah Senegal vs Benin iyo  Nigeria vs South Africa.

:: Habeen dambe 10 July::

7:00 Fiidnimo waxaa wada ciyaari doona xulalka Senegal vs Benin

10:00 Habeennimo waxaa wada dheeli doona xulalka Nigeria vs South Africa

:: 11 bisha July ::

7:00 Fiidnimo waxaa wada ciyaari doona xulalka Ivory Coast vs Algeria

10:00 Habeennimo waxaa wada dheeli doona Madagascar vs Tunisia