Isku Aadka Tartanka Cecafa Under 20- boy Challenge Cup Oo La Soo Saaray Xili Xulkena Uu Galay Group C

Waxaa la soo saaray jadwalka tartanka Cecafa Under 20- Boy Challenge Cup ee sanadkan ka dhici doona wadanka Uganda.

Tartankan waxaa ka qeyb galaya 11-dal oo kala duwan kuwaas oo kala ah Uganda, Sudan, DJibuuti, Somali, Eritrea, Kenya, Ethiopia, Zanzibar, Burundi, Tanzania, iyo South Sudan.

Xulka Qaranka soomaaliya ayaa ku jira Group-C oo ay ku wehliyaan wadamada kala ah Burundi, South Sudan iyo Xulka Qaranka Soomaaliya, kaliya waxaa laga raba hal xul inuu u soo gudbo wareega xiga tartankan, halka group-yada kali laga rabo 2-xul.
Xiddigaha ocean stars ayaa diyaar garwo xoogan ugu jira tartankan Cecafa Under 20- Boy Challenge Cup iyago tababar adag ku qaadanaya garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa kulankiisa ugu horeya wuxuu la dheeli doona xulka Burundi taariikhda marka ay ku began tahay 25-ka bishan.

Group- A: Uganda, Sudan, Eritrea iyo Djibuuti

Group-B: Kenya, Ethiopia, Zanzibar iyo Tanzania.

Group-C: Somali, Burundi iyo South Sudan.

Si kastaba Tartankan ayaa lagu wada inuu bilaawdo 21-ka bishan xili uu ka qabsoomi doono wadanka Uganda.

W/Q:Cabdifitaax Nani

No photo description available.