Isku Aadka Wareega 8-dhamaadka ee Champions League goorma lasamayn doono

Isku aadka wareega sideed dhamaadka UEFA Champions League ayaa 16-ka bishan March maalin jimco ah lagu qaban doonaa xarunta UEFA ay ku leeyihiin magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Waxaa jiri doonaa sideed kooxood, oo ah tirada guud kooxaha u soo gudbay wareega sideed dhamaadka, waana kan ugu fudud ee isku aadkiisa la sameeyo sideeda kooxood waxay wada gali doonaan hal dhari koox walibana waxay ku beegmi kartaa kooxdii ay nasiib u yeelato.

Kooxda marka koowaad soo baxda ayaa lugta hore gurigeeda lagu cayaari doonaa halka kooxda marka labaad soo baxdana lugta labaad ay ku cayaari doonto gurigeeda.

Goorma ayaa La Cayaari Doonaa Kulamada Sideed Dhamaadka Champions League

Kulamada lugta koowaad ee sideed dhamaadka, ayaa la cayaari doonaa sadexda ilaa afarta bisha April halka kulamada labaad la cayaari doono tobanka ilaa kow iyo tobanka bisha April.

Yaa U Soo Gudbay Sideed Dhamaadka:

Real Madrid

Liverpool

Juventus

Manchester City

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com