Ivan Rakitic Oo Farta Ku Fiiqay Cidda Ku Qanciso Inuu Iska Diido PSG Uuna Sii Joogo Barca

Laacibkaan udhashay wadanka Spain ayaa si xoogan loola xiriirinayey inuu ku biirayo kooxda Paris Saint-Germain oo uu dalabyo ka haysto.

Laakiin, Ivan Rakitic ayaa go’aan ku gaarey inaanu bixin, isaga oo tibaaxay inuu ku qanciyo arrinkaasi tababare Ernesto Valverde.

“Waxaan dhab ahaantii ka helay macalinka erayo wanaagsan, kadib wada sheekaysi aan la yeeshay isaga,” ayuu u sheegay MARCA.

“Qaabka uu ila dhaqmay waxay tahay mid wanaagsan, waxaana ka helay arrimahaasi oo dhan.

“Waxaan mar kasta doonayaa inaan kooxda siiyo waqti kasta waxa ugu wanaagsan, ma ahan inaan seego tababarka.

“Wax walba oo aan awoodo ayaan diyaar u ahay inaan ku biiriyo kooxdeyda si ay uguulaysto,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.