Ivan Rakitic Oo Qarka U Saaran Inuu Seego Kulanka Atletico Madrid Iyo Sababta Uu La Shaaciyay

Xidiga khadka dhexe uga dheela Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa waxaa uu dhaawac kasoo gaarey dhanka muruqa, sida laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay kooxdiisa.

Laacibkaan udhashay dalka Croatia ayaa dhibaatadaan waxay kasoo gaartay intii lagu guda jiray tababarka ay isugu diyaarinayeen kulamada kusoo food leh.

“Soo laabashadiisa waxay ku xiran tahay sida uu usoo kabto,” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraalka ay naadiga difaacaneysa La Liga soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Dhaawacaan soo gaarey Rakitic waxay shaki gelineysaa suurtagalnimada inuu kasoo muuqdo dheesha ay ka horjeedaa asbuuca dambe dhigooda Atletico Madrid.

Ciyaartaan oo ka qabsoomeysa Camp Nou, waxaa ay go’aamin kartaa hadii ay Barca baaqi kusii ahaan doonto kaalinta koowaad ee shaxda kala horeynta horyaalka.

Barcelona ayaa haatan waxay leedahay 24 dhibcood, xili Atletico Madrid oo saddexaad jiifta ay shaqaysatay kulamadii ay dheeshay 23 buundo.