Ivan Rakitic Oo Shaaciyey Xidiga Uu Doonayo Inuu Ku Guuleysto Abaalmarinta Xidiga Sanadka Ee THE BEST

Ivan Rakitic, ciyaaryahanka Barcelona ayaa si cad daboolka uga qaaday inuu doonayo in biladda xidiga sanadka ee THE BEST uu ku guuleysto Luka Modric oo ay isku dal yihiin.

Liiska ciyaartoyda saddexda ah ee ku tartami doonta qaadista biladaan ayaa waxay kala yihiin; Modric, Cristiano Ronaldo iyo Maxamed Saalax.

Isaga oo wareysi siinayay Majaladda MARCA ayuu sidoo kale tibaaxay Rakitic in bilad walba oo shaqsiyadeed taasoo uusan ku guulaysan Lionel Messi aysan baal-marin doonin Modric.

Tani ayaa loo fasirtay in Rakitic uu doonayo in laacibka sanadka ee FIFA ay bixiso hadii uu Messi ku guulaysan waayo uu doonayo inuu hanto Modric.

Luka Modric ayaa wadankiisa geeyey Final-ka Koobka Aduunka 2018 oo uu kaga qaaday dalka Ruushka dhigooda Faransiiska ciyaar kusoo idlaatay 4-2.

“Dhamaan biladaha shaqsiga ah ee soo hareerta Messi, waxaan ku guulaysan doona Modric,” ayuu Ivan Rakitic ku sheegay wareysiga uu bixiyey.