Jadon Sancho Oo Nolosha Ku Dhaxlay Booskii Xulka England Ee Marcus Rashford, Waxaa Ku Xiga Booskiisa Manchester United

Sancho ayaa ku soo bilowday shaxda tababare Gareth Southgate isagoo booska ka galay weerarayahanka Manchester United kaasoo bedel xilli danbe ah ku soo galay ciyaartii ay England 5-3 ku badisay.

Xiddiga Borussia Dortmund ayaa waxaa ka muuqatay kalsooni isagoo kubada dabamariyay goolhaye Arijanet Muric daqiiqadii 44aad markaasoo uu ciyaarta ka dhigay 4-1.

Daqiiqadii ku xigtay mar kale ayuu shabaqa soo taabtay markii Raheem Sterling uu kubad karoos fiican soo dhigay xerada goolka.

Waxa ay aheyd bandhig fiican uu sameeyay Sancho kaasoo sidoo kale caawiye ka ahaa goolkii ay iska dhalisay Kosovo ka hor inta uusan Rashford bedelin daqiiqadii 85aad.

Sancho oo la wareegay booskiisa Rashford ee Xulka England

Ka dib markii ay daawadeen ciyaartii St Mary’s ka dhacday, taageerayaasha ayaa Twitter ku soo jeediyay inay inuu Rashford la qabsado kursiga keydka ilaa iyo inta uu joogo Sancho.

Taageere ayaa soo qoray: “Waa in Sancho uu mar kale shaxda uga horeeyo Rashford.”

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  TOP 10: Xiddigaha Ugu Mushaharka Badan Serie A Oo La Soo Saaray – Cristiano Ronaldo Oo Ka Mushahar Badan Isku Darka De Ligt, Lukaku, Godin, Donnarumma Iyo Ribery

Mid kale ayaa yiri: “Marcus Rashford ma ahan inuu u soo dhawaado shaxda England iyo seddexda afka hore. Sancho ayaad aad uga fiican dhan walba.”

Sancho ayaa wacdarro ka dhigaya horyaalka Bundesliga laakiin ma uusan diidin inuu ku laabto England iyadoo Manchester United ay xiiseyneyso.

Taageerayaasha ayaana aaminsan in Rashford uu keyd geli doono haddii Sancho uu u wareego Old Trafford.

Taageere ayaa soo qoray: “Waan ka xumahay inaan iraahdo laakiin Rashford waa uga dhamaatay England ilaa iyo inuu qof dhaawacmo mooyee, marka aan helo Sancho, Daniel James ay la duuli doona Martial. Boos u banaana xiddig meel dhexaad ah, waxaan rajeynayaa inuu arintaan u isticmaalo inuu iska saxo laakiin weli waan aaminsanahay isaga.”