James Rodriguez Oo Fariin Qiiro Leh U Diray Arturo Vidal Kadib Uu Kasoo Tegay Bayer Kuna Soo Biiray Barca

James Rodriguez ayaa wuxuu dhanbaal sagootin ah usoo qoray saaxibkiisii hore ee Arturo Vidal, kaasoo kasoo tegay Bayern Munich, kuna soo biiray dhigeeda Barcelona ee wadanka Spain.

Vidal ayaa waxaa lagu soo iibsaday qiimo lacageed dhan 27 milyan oo yuuroo, sidda ay warbaahintu sheegeyso, inkasta oo labada koox aysan wali ka hadlin.

Waxaa loo arkaa saxiix ugu yaraan bedal unoqon kara Andres Iniesta, kaasoo ka tagay Barcelona kuna biiray naadiga Vissel Kobe ee dalka Japan.

James Rodriguez, xidiga ay milkiyadiisa leedahay Real Madrid, laakiin amaahda ugu dheelaya Bayern Munich ayaa nasiib wanaagsan urajeeyay Vidal.

“Waa xayawaan marka uu garoonka ku jiro, iyo shaqsi wanagasan, waaan kuu rajeynayaa wanaag, walaalkeyga iga yarrow,” ayuu yiri James.

“Waan ku qirsanahay, waad I cajaa’ib gelisay, waana ku jeclahay, mar walab guuleyso,” ayuu hadalkiisa kusoo koobay James Rodriguez.