Jan Oblak Oo Ka Hadlay Rajada Ay Ka Qabaan Inay Dhagaha Ku Dhuftaan Barca Kulanka La Liga

Shabaq-ilaaliyaha naadiga Atletico Madrid ee Jan Oblak ayaa kalsooni wayn ka muujiyay inay labo cad ka dhigaan Barcelona kulanka La Liga ee todobaadka dambe.

Labadaan kooxood ayaa kaliya farqiga udhaxeeya wuxuu yahay hal dhibcood, kaasi oo mid walba oo labadooda kamdi ah ay dooneyso inay wax ku kordhiso.

Atletico ayaa isha ku haysa inay guusha hesho si ay madaxa sare ugu qaado, halka Bluagrana ay guusha ugu xusul-duubaneyso si ay liijaanka usii xijisato.

“Hubaashii waa kulan adag, Barcelona way adag tahay inaan dhinaca dhulka udhigno,” ayuu yiri Jan Oblak, oo wareysi siiyay warbaahinta ku hadasha afka kooxdiisa.

“Inaga waxaan awoodnaa inaan sameyno wax kasta si aan uhelno saddexda dhibcood iyo guusha,” ayuu hadalkiisa kusii daray Goolhayahaa.

“Kani waa kulan dag, balse dhab ahaantii waa mid aad noogu muhiim ah,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak.