Jeenyo Vs Banadir Sports Club- Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Kulanka Adag Ee Somali Premier League

Kooxaha Jeenyo Iyo Banadir Sports Club ayaa galabta ku ballansan garoonka banadir Stadium ee degmada cabdicasiis kullan ka tirsan horyaalka Somali Premier League.

cayaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan waana kulankii 45-aad ee laga dheelayo horyaalka fasal ciyaareedkan 2017-18.

WARARKA LABADA KOOXOD:

Marka ay timaato in ay wada ciyaaran kooxaha Jeenyo iyo Banadir Sports Club waxaa durbadiiba maankada ku soo dhacaya xidigo badan oo lagu yaqaanay kulankan sido kale markii ay labada kooxod wada ciyaarayaan waxaa loo yaqaana Derby Warta Nabada balse ma xiiso badno sanadkan waxaa ka maqna dhadhankii kulankan ee ah xidigo badan oo ka tagay kooxda Jeenyo kuwaaso ku kala biiray kooxaha kale ee Horyaalka hadii aan mid iyo labo idinka sheego waxaa kamid ah Xasaasi, Mayman, Niije, Mustaf Nakuja iyo Daandii waa magacyada ugu waa weyn ee kulankan.

Kooxda Banadir Sports Club waxaa kulanka galabta ka maqan xidigo ay kamid yihiin Baanuu oo ku maqan 3-jaalo sido kale Marcelo oo isagna ganaax ku seegaya ciyaartan.

XAQIIQDA KULLANKA:

Kooxda kubadda cagta Jeenyo Kullankii ugu dambeyay waxey bar baro 2-2 la soo gashay kooxda sanadkan ay ka ja jaban tahay ee Elman kulan ciyaareed dhacay 16-03-18.

Wiilasha Banadir Sports Club ciyaartii ugu dambeysay waxey guul 3-0 ka soo gaartay kooxda Otobaarka ee Gaadiidka ciyaar dhacday 15-03-18.

Jeenyo ayaa hada fadhiso kaalinta 6-aad ee kala sareynta horyaalka iyado soo dheeshay 8-kulan waxey soo adkaatay 2-kulan sido kale waxaa laga soo badiyay 3-ciyaar halka ay bar baro soo gashay 3- kulan taas ayaa ka dhigan iney aruursatay 9-dhibcood.

Kooxda kubadda cagta Banadir Sports Club ayaa ku jirta kaalinta 4-aad ee horyaalka iyado soo ciyaartay 8-kulan waxaa laga soo badiyay 2-kulan sido kale waxey soo adkaatay 4-ciyaar halka ay bar baro soo gashay 2- ciyaar taa oo la micno ah iney heesato 14-dhibcood.

Kooxda Jeenyo ayaa isha ku heesa iney ay booska 5-aad kala wareegto Naadiga Elman oo leh 10-dhibcood hadii ay galabta adkaato Jeenyo waxey soo gali doonta booska 5-aad oo hada ku jirto Elman.

Image result for banadir sports club vs jeenyo

Dhinaca kale Macalin Hussien Mblango Wiilashiisa ayaa dagaalgooda ku wajahan yahay sida ay ku heli lahaayen booska kaalinta 3-aad oo hada ay ku jirto kooxda Heegan.

IS ARAGA LABADA KOOXOD:

06/03/2017 Banadir S.C 2 : 2 Jeenyo FC

22/01/2016 Banadir S.C 2 : 0 Jeenyo FC

08/04/2016 Jeenyo FC 2 : 3 Banadir S.C

04/03/2015 Banadir S.C 0 : 3 Jeenyo FC

01/06/2015 Jeenyo FC 1 : 2 Banadir S.C

OGEYSIISKA KULANKA:

Tartanka: Somali Premier League 2017-18

Kooxaha: Jeenyo Vs Banadir Sports Club

Garoonka: Banadir Stadium

Saacada: 3:45

W/Q: Cabdifitaax Nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com