Jérôme Boateng oo kala doortay kooxaha PSG iyo Man United, kadib markii uu go’aamiyay mustaqbalkiisa

Paris Saint-Germain ayaa dib ugu soo laabatay raacadada saxiixa difaaca kooxda Bayern Munich ee reer Germany Jérôme Boateng, waxayna doonayaan inay dhaqan galiyaan kahor inta uusan xirmin suuqan xagaaga

Bayern Munich ayaa muujisay sida ay u dooneyso iibinta Jérôme Boateng, waxaana haatan saxiixa laacibka reer Germany si xoogan ugu dagaalamaya kooxaha Paris Saint-Germain iyo Manchester United

Wargeyska “Le Parisien” ee dalka France ayaa wuxuu sheegay in Paris Saint-Germain ay heshiis shaqsi ah la gaartay Jérôme Boateng isbuuc kahor, laakiin wali waxaa harsan heshiiska labada kooxood

Image result for jérôme boateng psg and manchester united

Hadaba Jérôme Boateng, ayaa doortay inuu u dhaqaaqo kooxda Paris Saint-Germain, halka uu kaga dhaqaaqi lahaa Manchester United, wuxuuna laacibka reer Germany u arkaa inuu ku shaqeyn karo fikrada macalinka cusub PSG ee Thomas Tuchel

Wararka ka imaanaya dalka Germany ayaa waxay shaaca ka qaadeen in Jérôme Boateng uu iska diiday u dhaqaaqista kooxda Manchester United, kadib marka ay khadka taleefanka ka wada hadleen macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho

Image result for jérôme boateng