John Hart Oo Si Lama Filaan Ah Uga Jawaabay Hadii Pep Guardiola Uu Yahay Macalin Xaasid Ah

Maamulaha naadiga kubadda cagta Manchester City ninka lagu magacaabo Pep Guardiola ayaa waxaa cabasho ka dhan ah isaga soo gudbiyey xidigo badan, kuwaasoo aad loo qadariyo.

Ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee ka cawda wuxuu ahaa wiilka reer Ivory Costa ee Yaya Toure, kaaso haatan ka tegay Sky Blues.

Laakiin, John Hart oo muddo badan ka ahaa Man City dookha koowaad ee kooxdaan ayaa waayey doorkaasi kadib markii Taliska Etihad loo dhiibay Pep Guardiola sanadkii 2016-kii.

Shabakadda Sky Sport ayaa waydiisay Hart hadii uu talaabadaasi darteeda ugu aqoonsan karo Pep Guardiola macalin xaasid ah, taasoo uu meesha ka saarey isaga oo tibaaxay in aanan loo aqoonsan karin.

“Isaga waxaa naga dhaxeeya xiriir wanaagsan, waxaana u arkaa macalin daacad ah, taasoo aan uga mahad-celinayo,” ayuu yiri John Hart, oo wareysi siiyey Telafishinkaan kasoo baxa Ingiriiska.

“Ma hayo wax dhaafsan daacadnimadiisa oo ku saabsan isaga, waxaana ka hayaa xusuus wanaagsan, waana macalin dabeecad ahaan fiican.

“Waxaan uga mahad-celinayaa daacadnimadiisa, aniga ahaan kama arkin waxay dadka kale sheegayaan, laakiin qof walba wuxuu xor uyahay xafladiisa,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray John Hart.