John Terry Oo Si Lama Filaan Ah Uga Jawaabay Hadii Ay Chelsea Xagaagan Hanan Karto Premier League

Terry ayaa ku dhowaaday inuu xirfadiisa ciyaareed oo dhan ku qaato Chelsea, waxaana uu ku faraxsan yahay inuu arko sida uwanaagsan yihiin haatan xili uu hogaaminayo ee Maurizio Sarri.

Tababaraha Talyaaniga, oo loo magacaabay xagaaga shaqada Blues, isaga oo bedalay Antonio Conte, kaasi la eryay.

Chelsea ayaa kaalinta labaad kaga jirta shaxda kala horeynta Premier League ka dib sideed kulan oo ay ciyaareen xili Manchester City oo koowaad ah iyo Liverpool oo kaalinta 3aad ay la leeyihiin min 20 Buundo.

“Aad ayay u fiican yihiin,” Terry ayaa hadalkiisa ku bilaabay, isaga oo wareysi siinaya majaladda Sky Sport ee wadanka Ingiriiska.

“Eden Hazard waa dabka kooxda.

“Waxaan la kulmay tababaraha dhowr jeer, waxaan joogay gudaha iyo agagaarka tababarka, waana nin weyn, waxaana u ciyaaray si aad u fiican xilli ciyaareedka kubada cagta.

“Muddo dheer ayay sii wadi kartaa, waxaana rajeyneynaa inaan mar kale ku riixi karno horyaalka,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Kabtankii hore ee xulka qaranka Ingiriiska, John Terry.