Jordi Alba Oo Ka Hadlay Hadii Dunida Uu Soo Mari Doono Xidig Lamid Ah Lionel Messi ama Uu Hada Jiro

Daafaca kooxda kubada cagta Barcelona ee Jordi Alba ayaa wuxuu aaminsan yahay inay noqon doonto sheeko aad uculus in la heli ciyaaryahan lamid ah Lionel Messi ama uu xitaaba hadda jiro, isagoona amaan kow uga siiyay.

Labadaan ciyaartoy ayaa waxaa lagu tiriyaa inay kamid yihiin kuwa aduunka ugu fiican, islamarkaana uu ka dhaxeeyo xiriirka ugu fiican ee uu ciyaaryahano dhex-maray marka garoonka lagu jiro ama la dhex-jeego.

Messi iyo Alba ayaa waxay hada uga maqan yihiin kooxdooda soo gudashada waaji-baadkooda qarni, iyagoona kala metali doono Spain iyo Argentina, waxaana xusid mudan inay isbuucaan isaga hor imaan doonan kulan xiiso leh.

Sikastaba, Jordi Alba oo la hadlayay warbaahinta ka hor inta ay la balansanaayeen Germany ayaa waxaa la weydiiyay sheekooyin ku saabsan Lionel Messi, isagoona ku tilmaamay ciyaaryahan ay si fiican isku fahansan yihiin.

“In la helo xidig Leo [Messi] kale waxay noqon doontaa mid aad u adag,” ayuu yiri, daafacaan dambeedka bidix uga cayaara Bluagrana, kuwaasoo hadda shaxda kala horeynta La Liga uga jira kaalinta koowaad, islamarkaana ah hogaamiyaasha.

“Waxaa jira ciyaaryahan waa weyn, kuwaasoo aan si fiican isku fahansanahay, laakiin dhamaantooda waxaan sugayaa in macalinka uu ila ciyaar-siiyo,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Jordi Alba oo wariyaasha la hadlayey.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com