Jose Mourinho Muxuu ka yiri guushii ay kooxdiisa ka gaartay Liverpool

Macalin Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday ineysan waxba ka galin hadii dadka ay ku fakaraan in kooxdiisa aysan u qalmin guushii ay ka gaartay Liverpool kulankii ka dhacay garoonka Old Trafford.

Man United  ayaa 2-1 ku garaacday kooxda Liverpool kulan ka dhacay  Old Trafford tiiyoo ay jirto iney horay ugu sii socdeen kaalinta labaad ee horyaalka iyagoo haatan shan dhibcood ka sare maray kooxda Liverpool.

“Waan kala qeybin karnaa bartamaha,Man United qeybta hore, Liverpool-na qeybta labaad, balse fikrad ahaanteyda qeybteenii hore waxey aheyd mid aan ku helnay goolal, qataro fiicanna aan ku geysanay”

“Qeybta labaad, fikrad ahaaneyda, dadka jooga istuudiya waxey qabeen fikrado kala duwan, iney Liverpool xukuntay kubadda iyadoo heysata iyo iyadoon heysan labadaba, kooxdeena mar walba waxey xukuntay kubadaha joogga sare, koornooyinka, iyadoo qatarro badan, sidaas darteed waan u qalanay”

“Hadii dadka aysan ku fakarin inaan u qalanno, waxba igama galin, waan yara daalnay, waxaan kulan leenahay talaado, waxba igama galin waxa ay dadka leeyahiin, xiddagahiida waa kuwa faraxsan, waana faraxsanhay”

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com