José Mourinho Oo Ka Codsaday Maamulka Man Utd Inay Tix-gelin Gaar Ah Siiyaan De Gea Iyo Sababta

David De Gea, wuxuu furo u ahaa guushii rafaadka badneed oo ay Manchester United ka heshay dhigeeda Young Boys, kulan ciyaareedkii Champions League, kaasi oo 1-0 kusoo idlaaday.

Isaga oo dheesha kadib wareysi siiyay warbaahinta, macalinka Red Devils wuxuu amaan kala dul-dhacay shabaq-ilaaliyaha udhashay wadanka Spain.

Goolhaye De Gea ayaa si xoogan loola xiriirinayaa inuu ka dhaqaaqayo United, balse, Mourinho ayaa ku fekeraya sidii uu xidigaan baaqi ugu sii ahaan lahaa Man United.

“Isaga waa shabaq-ilaaliye aan caadi ahayn, waxaan qabaa inay tahay waqtigii muhiimka ay noo ahayd sidii aan isaga usiin lahaydn tix-gelin gaar ah,” ayuu yiri macalinka reer Portugal.

“Aad ayaan ugu farax-sanahay inaan isaga oo kale haysano….Dhamaan ciyaartoyda kale, waxay mudan yihiin qadarin iyo tix-gelin gaar ah,” ayuu raaciyay.

“Waxaan ka shaqayn doonaa, oo aan umidaysanahay sidii kooxda darajo sarre loo gaarsiin lahaa,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Jose Mourinho.