Jose Mourinho Oo Si Lama Filaan Ah Uga Jawaabay Wararka Sheegaya Inuu Dib Ugu Laabayo Real Madrid

Jose Mourinho ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu ka wareegi doono tababaraha kooxda Real Madrid ee Julian Lopetegui.

Tababarihii hore ee Spain ayaa sheegay inuu u dagaalami doono booskiisa Real, laakiin sida laga soo xigtay Sky Sky, kooxda ayaa qarka u saaran inay ceyriso ka dib seddex kulan oo guul darro oo xiriir ah.

Inkastoo uu wargeysyada jaraa’id ka sheegay Mourinho – kaasoo Real Madrid ka caawiyey 2010kii – waa musharax inuu bedelo Lopetegui, tababaraha Manchester United ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxda, islamarkaana uu doonayo inuu sii joogo inta uu qandaraaskiisu dhacayo.

Mourinho ayaa yiri: “Waan ku faraxsanahay halkaan, waan ku faraxsanahay inaan arko qandaraaskeyga, waxaana jeclaan lahaa inaan sii joogo ka dib marka aan qandaraaskeyga dhamaado.

“Dhamaan waxaan ka fekerayaa waa Manchester United.”