Jose Mourinho oo weerar ku qaaday Garry Neiville Kadib Kulankii Liverpool

Tababare Jose Mourinho ayaa wali sii hurinaya dagaalka ba’an oo uu kula jiro mid walba oo ka mid ah falanaqeeyayaasha kubadda cagta Ingiriiska kuwaas oo mar walba la falgala mowduuca kooxdiisa, sidaas darteed wuxuu markaan si dadban u weeraray Gary Neville

Gary Neville tan iyo markii uu ka hawlgabay kubada cagta wuxuu ku biiray saxaafadda wuxuuna ka mid yahay shaqsiyaadka aadka loo hadal qaado oraahdiisa, balse markaan isagoo fikir ka dhiibanayay waxa ku saabsan ciyaartii Old Trafford ee shalay ayuu noqday mowduuca shirka jaraa’id ee Jose Mourinho kadib cayaarta

Marcus Rashford ayaa dhaliyay laba gool sidoo kalana wuxuu sameeyay laba qalad oo mid ka mid ah uu jaale ku muteystay, waxaana Gary Neville oo fadhiya Sky Sports uu qiray iney aheyd da’yarka England in casaan loo taago

Neville wuxuu carabka ku adkeeyay in Rashford uu casaan ku mudnaa qaladkii uu ka galay Alexander-Arnold maadaama uu jaale hore ku qaatay James Milner

“Waqtigii nasiinada qof ayaa ii sheegay in Gary Neville uu doonayay in casaan la siiyo Marcus Rashford” ayuu yiri Jose Mourinho kadib kulanka

“Waan cabsaday, sababtoo ah waxaan u maleynayay in garsooraha uu daawanayo isla markaana uu saameyn ku yeelanayo Gary” ayuu mar kale yiri isagoo aad moodo inuu ugu tala galay ka qoslinta wariyayaasha hor fadhiyay

“Jaalahii uu qaatay iyo hadalkii Gary waxey igu qasbeen inaan cayaarta ka saaro, isla marakaana aan keeno xidig qalad gali kara”

Image result for rashford 2-1 liverpool

Dhanka kale Gary Neville markii uu daawaday muuqaalka Jose Mourinho oo arintaan ku eedeynaya wuxuu bixiyay jawaab aan dhib badneyn kaliya wuxuu Twitter-kiisa kusoo qoray calaamadda qosolka – isagoo dareensiinaya qof walba inuu ku qoslay hadalka macalinka kooxdiisii hore

Image result for jose mourinho and Gary Neville

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com