Vinicius JR Oo Shaaciyey Xidiga Uu Ku Daysado – Ma Ahan Messi & Ronaldo

Vinicius Junior oo ah 17-sano jir, Real Madrid, ay leedahay, laakiin si rasmi ah ugu soo biiri doona marka uu 19-sano jir noqdo ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inuu ku daysado laacibka ay isku dalka yihiin ee Neymar Jr.

Wuxuu sheegay in inkastoo uusan doonayn inuu noqdo Neymar-ka cusub, sida ay dadka ugu yeeraan, hadana uu wax badan ka korar sado xidiga PSG, islamarkaana uu daawado inta badan kulamada uu udheelayo kooxdiisa iyo wadankiisa.

Laacibkaan ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay inuu diyaar u ahay inuu isku soo saaro magaciisa, islamarkaana uu wax walba ku kasbado sida uu hada sameynayo xirfadda gaar ahaaneed uu ee ku galeestay EEBE.

“Aniga kuma dheelo dareenka isla barbardhigi, laakiin waxaan mar walba aan la jiraa Neymar, waxaana aan la sameeyaa maalmahaan xiriir badan si aan wax xoogaa uga faa’ideysto,” ayuu ku sheegay Vinicius Junior wareysi uu siiyay Gaol.com.

“Waxaa qaataa mar walba oo aan la kulmayo Buug si aan uga soo barto wax xoogaa faa’ido ah si aan sare u kac usameeyo – waxaan aan daawadaa kulamadiisa si aan ufaraxad geliyo qof walba oo Brazil ah,” ayuu sii daba dhigay.

“Aniga ma rabo inaan noqdo Neymar-ka cusub, laakiin waxaan doonayaa inaan dhiso xirfadeysa gaarka ah si aan farxad ugu badan ugu hibeeyo dadkeyga reer Brazil,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Vinicius Junior.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com