Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Rajadda Uu Ka Qabo Inay U Soo Baxaan Wareega 16-ka Ee Tartanka UCL

Liverpool ayaa haatan waxay qarka u saaran tahay inay gabi ahaanba isaga harto tartanka Champions League, balse, waa hadii aysan isbedal ama soo kabasho sameynin.

Reds ayaa ubaahan guul ay ka gaaraan Napoli kulanka ugu dambeeyay ee heerka Group-yadda, kaasi oo ka qabsoomi doona Anfield, oo ay Liverpool leedahay.

Tababaraha kooxda dheesha Premier League oo war-fidiyeenka u waramay wuxuu carabka ku dhuftay inay kalsooni baaxad wayn ay ka qabaan soo bixitaanka.

Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id kahor kulanka Premier League ayuu cod dheer ku qeexay inay sameyn doonaa dadaal kasta oo ay madaxa sarre ugu soo qaadi karaan.

“Waxba ma go’aamin karo aniga..Balse, waxaan usheegi karaa ciyaartoyda wada ay tahay inay qaadaan…Waxaana ugu wacan inay fiicnaadaan,” ayuu yiri Klopp.

“Balse, mar kasta waxaan ahay aniga iyo kooxduba kuwa wax wanaagsan rajaynaya, waana soo bixi doonaa,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Jurgen Klopp.