Jurgen Klopp oo ujawaabaayay Gary Nevile kadib marku Liverpool waxay u baahan….

Tababare Jurgen Klopp oo ujawaabaayay Gary Nevile kadib marku yiri Liverpool waxay ubaahan tahay inee UCL ka harto haddi ay rabaan inee horyaalka qaadaan ayaa yiri :

Uma maleynaayo inuu jiro macallin ee tahay inuu ka jawaabo su’aasha Champions League, falanqeeyaashaas ka soo jeeda magaalada Manchester ayaa bilaaba arimahaan oo kale, waxay aheyd inaad weydisaan marki aan ka harnay Fa cup iyo Carabao cup haddii ay wax fiican noo aheyd inaa harno, anaga ahaan waan rabnay tartan walba inan usoo baxno xataa haddi ay dhibaato noo geysaneyso”

Macalin Jorgen Klopp ayaa sidoo kale wax laga weydiyay in Liverpool aysan sanadkaan ku fiicneyn goolasha bokiska banaankiisa laga dhaliyo waxaana lugu yiri mawaxaa usabab ah maqnaashaha Alex Oxlade-Chamberlain wuxuuna ku jawaabay

“Coutinho nala ma joogo halkaan, isaga ayaa dhalin jiray goolasha aan banaanka ka dhalino 60%, sidoo kale Alex Oxlade-Chamberlain 2 jeer wuu dhaliyay sanadkii hore Man City ayuuna ka dhaliyay , aniga marabo inan ka sheekeeyo ciyaaryahano aan halkaan nala joogin ama na caawin karin, anagana koox ahaan inan meel walba garoonka kamid ah goolal ka dhalino waan dooneynaa waana ka shaqeynaa”

Klopp ayaa ugu dambeyn ka hadlay qaabka ay tahay inee caawa u ciyaaraan haddii ay doonaayaan inaan soo baxno
Ciyaarta Caawa waa mid furan uu qof walba badin karo, Bayern na waa koox caalami ah sidoo kale na heysata ciyaaryahano caalami ah balse haddi aan dooneyno in aan wax ka helno ciyaartaas ama wareega xiga ugudubno waa in aan daqiiqada koobaad illa mida u dambeyso xaadir ahaano, oo feejignaan dheeri ahna muujino, waana inan cid walba tusnaa sidaan urabno libinta ciyaarta .