Juventus ayaa Guul muhiim ah ka gaartay Atletico Madrid & Cristiano Ronaldo si mucjiso ah kusoo saaray

Kulan xiiso leh ayaa dhex maray kooxaha juventus iyo Atletico Madrid kulan waxa uu ka tirsanaa wareega 16-ka tartanka champions League.

Kulanka ayay Juventus ku soo gashay iyada oo guul u baahan waxana ay si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta bilwogii ugu horeeyay.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ku bilowday weeraro waali ah iyaga oo doonayay sidii ay u dhalin lahayeen gool wakhti hore ah oo ciyaarta .

Kooxda Juventus ayaa bilowgiiba dhalisay laakiin waxa looga diiday khalad uu Cristiano Ronaldo ku galay goolhayaha kooxda Atletico Madrid.

Daqiiqadii 27-aad ayay Juventus dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu gool madax ah u dhaliyay xiddigooda Cristiano Ronaldo kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Juventus ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii waday weerarada iyo waliba ay ku doonaysay in ay goolal ku dhaliso.

Waxa natiijo 1-0 ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Juventus ku hogaaminayso

Qaybtii dambe ayay Juventus si waali ah ku bilaabatay iyaga oo raadinayay gool kale oo ay ciyaarta ugu soo laabtaan si uuna wakhtigu uga dhicin.

Daqiiqadii 48-aad ayuu Cristiano Ronaldo mar kale is xil saaray una dhaliyay kooxdiisa gool kale oo madax ah isaga oo ciyaarta ka dhigay 2-0

Naadiga Juventus ayaa wixii intaas ka dambeeyay sii waday weerar kala joogsi laheyn halka kooxda Atletico Madrid u muuqatay mid is dhiibtay oo doonayay in ay rikoorayaal la gaaro kooxda Juventus.

Laakiin Daqiiqadii 86-aad ayuu Cristiano Ronaldo diiday Arintaas isaga oo dhaliyay goolkiisii 3-aad ee ciyaarta isaga oo gool u badalay rikoore loo dhigay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Kooxda Juventus ugu soo baxday wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Image result for juventus vs atletico madrid

Image result for juventus vs atletico madrid

Image result for juventus vs atletico madrid

Image may contain: 3 people, people playing sports, text and outdoor

Image result for ronaldo hat trick atletico madrid

Image result for ronaldo hat trick atletico madrid

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and text