Juventus ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in xanuunka Coronavirus laga helay xiddigii 2-aad ee kooxdeeda

Kooxda Juventus ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in xanuunka Coronavirus laga helay xiddig kooxdeeda ah kaas oo ah xiddigii 2-aad ee kooxdeeda laga helay xanuunka sida weyn ugu faafay adduunka.

Kooxda Juventus ayaa xaqiijisay in xanuunka Coronavirus ama COVID-19 laga helay xiddiga khadka dhexe ee Blaise Matuidi kaas oo maanta lagu sameeyay baadhitaan lagu ogaaday xanuunka.

Xiddiga khadka dhexe ee Blaise Matuidi ayaa ah xiddigii 2-aad ee kooxda Juventus ah ee laga helay xanuunka Coronavirus iyo xiddigii ugu dambeeyay ee magaca weynaa ee laga helay xanuunka.

Kooxda Juventus ayaa bogeeda Tiwtter-ka ku soo qortay” Waxa xanuunka Coronavirus laga helay xiddigii 2-aad ee kooxda kaas oo ah Blaise Matuidi”. “Waxa aan Blaise Matuidi u rajaynaynaa soo kabasho fiican oo deg-deg ah”.

Matuidi ayaa ah xiddigii 2-aad ee kooxda Juventus ee laga helay xanuunka kadib markii horay looga helay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Daniel Rugani.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com