Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday liiska xiddigaha kaga qeyb galaya tartanka Champions League

Kooxda Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday liiska xiddigaha kaga qeyb galaya tartanka Champions League inta lagu gudi jiro xili ciyaareedkan 2019/2020.

Juventus ayaa dooneysa xili ciyaareedkan inay ku guuleysato koobka Champions League, kaddib markii ay Madaxda Bianconeri dib u habeen xoogan ku sameeyeen safka kooxda saxiixyo waa weyn, sida daafaca reer Holland ee Matthijs de Ligt.

Kooxda Bianconeri ayaa ku dhawaaqday liis ka kooban 22 ciyaartoy uu ku tiirsanaan doono Macalin Maurizio Sarri kulamada Champions League ee xili ciyaareedkan.

Waxaa liiskan ku soo bixin magacyada xiddigo muhiim ah uu ugu horeeyo Giorgio Chiellini kaasoo qaliin looga sameeyay jilibka lugta midig, waxaan sidoo kale liiskan ku soo bixin xiddigaha Emre Can iyo Mario Mandžukić.

Haddaba Halkan kaga boggo liiska 22 ciyaartoy ee kooxda Juventus kaga qeyb galaya tartanka Champions League:

Wojciech Szczesny, Mattia De Sciglio, Matthijs de Ligt, Miralem Pjanic, Sami Khedira, Cristiano Ronaldo, Aaron Ramsey, Paulo Dybala, Douglas Costa, Alex Sandro, Danilo, Blaise Matuidi, Juan Cuadrado, Leonardo Bonucci, Gonzalo Higuain, Daniele Rugani, Merih Demiral, Adrien Rabiot, Rodrigo Bentancur, Carlo Pinsoglio, Federico Bernardeschi, Gianluigi Buffon.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com