Juventus iyo De Ligt akhbaartoodii ugu dambeysay & waqtiga lasoo bandhigayo.

 Kooxda Juventus ayaa diyaar u ah in Matthijs de Ligt ay usoo bandhigaan ciyaaryahankooda cusub maalinta Sabtida ee soo aaddan.

Wargeyska De Telegraaf ayaa ku warramaya in Ajax ay ugu dambeyn aqbaleyso €67m dalab ku kacaya oo dhanka kooxda Italy ka dhisan kaga yimid.

Warsidaha Netherlands kasoo baxa ayaa sidoo kale tibaaxaya in labada koox ay ku dhowyihiin inay isku af gartaan iibka difaacan, kaasoo isaga horraan heshiiska shaqsiga ah la meel dhigay Bianconeri.

Ajax ayaa markii hore dalbatay €75m si ay kaga taqallusaan Captain-kooda, halka dalabkii ugu horreeyay ee Juventus uu ahaa €50m iyo gunnooyin ay dib ka bixinayaan, balse kooxda reer Holland ayaa iska diidday dalabkaas,

Juve ayaa sidaa awgeed go’aansatay in dalabkooda ay gaarsiiyaan €67m oo ay ku jiraan gunnooyin ku xiran qaab ciyaareedkiisa, waana dalab ay ku qanci karto Ajax.

The Old Lady ayaa dooneysa in De Ligt ay soo bandhigaan maalinka Sabtida ah ee soo aaddan, si uu kaga qayb noqdo safarka kooxda Maurizio Sarri uu hooggaamiyo ay ku aadayaan Asia.

Sky Sport Italia insist Juve never had any intention of including striker Moise Kean in the De Ligt talks.

Sky Sport Italia ayaa sheegeysa in Juve aysan marna ku fikirin in ay iibka De Ligt ay ku daraan weeraryahankooda dhallinta yar ee Moise Kean