Juventus oo guul ka gaartay kooxda Sassuolo

Kooxda Juventus ayaa gaartay guul muhiim ah  kadib markii ay 3-0 kaaga adkaatay Sassuolo.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda  Juventus.

Sami Khedira ayaa Goolka u dhaliyay  kooxdiisa Juventus daqiiqadii 23-aad wuxuuna ka dhigay 1-0.

Qeybta labaad marka ciyaarta ay dib ugu soo noqdeen labada kooxood juventus ayaa raacdo u gashay sida ay ku heli laheed goolkeeda labaad ee ciyaarta.

Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 70-aad goolka labaad u dhaliyay  kooxda Juventus wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0, kadib caawin uu ka helay Miralem Pjanic.

Daqiiqadii 86-aad Emre Can ayaa hurdo dheer u diray kooxda Sassuolo uu kulanka ku dhex sugneydneed jamaahiirteeda, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0, kadib caawin uu ka helay Cristiano Ronaldo.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-0 ay guusha ku raacday hogaamiyaasha horyaalka ee Juventus.

Image result for sassuolo vs juventus

Image result for sassuolo vs juventus

Image result for sassuolo vs juventus