Juventus oo guul muhiim ah gaartay kulankii xalay.

Cayaaryaahnka Weerarka uga Cayaara kooxda  kubada cagta Juventus ee Paulo Dybala ayaa Guul Gaarsiiyey Kooxdiisa kulan ka tirsan Horyaalka Talyaaniga ee ay la dheeleen Naadiga Udinese.

Juventus ayaa 2-0 ku garaacday kooxda Udinese waxaana labada Goolba u Wada dhaliyey  xiddiga Weerarka qatarta badan ee Paulo Dybala dhinaca kale  uu Rigoore ka qasaariyey  weeraryahanka Gonzalo Higuain daqiiqadii 38 aad ee qaybta hore ee Cayaarta.

Naadiga  Juventus ayaa si ku meel gaar ah usii hayn doonta Hogaanka Horyaalka Talyaaniga waxaana ay leeyihiin 71 dhibcood 2 dhibcood ayeyna ka siihayn doontaa.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com